Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula Saldhiga Booliska Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas saakay isaga baxeen Ciidankii Ahlusunna Waljameeca.
Sawirro laga soo qaaday Ciidamada Booliska dowladda oo lasoo dhigay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu arkayay Ciidanka oo ku shaqeynaya Xarunta Saldhiga Booliska Degmada Guriceel.
Ciidamada ayaa si buuxda aruurtii hore ee saakay ula wareegay gacan ku heynta Guriceel, waxaana halkaas in muddo ah ku sugnaa Ciidamo ka amar qaata Ahlusunna Waljameeca.
Dhinaca kale shalay ayay aheyd markii Ciidanka dowladda ay dagaal kula wareegeen Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyadoona halkaas ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda.