Daawo:-Ururka EFASOM oo Muqdisho ku qabtay Munaasabada todobaadka Caalamiga ah ee Waxbarashada

Magalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay munaasabada  Todobaadka Ololaha Caalamiga ah ee Waxbarashada,munaasabadaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka wadanniga ah ee U-dooda Waxbarashada loo simanyahayee Soomaliya  (Education For All Somalia – EFASOM).

EFASOM ayaana ololahan uga gol leh sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa kor u qaadida tayada Waxbarashada,iyaga oo ugu magacdaray Sanadkaan “ILAALI BALANTA  oo MAALGELI WAXBARASHADA”.

Gudoomiyaha Ururka wadanniga ah ee U-dooda Waxbarasho loo simanyahay Soomaaliya  iyoMaxamuud Cabdi maxamuud Agaasimaha ururka Aadan Maxamad ayaa siwadajir ah waxa ay u faah faahiyeen muhiimada uu kulankaan u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Goobta Munaasabada Todobaadka Ololaha Caalamiga ah ee Waxbarashada ayaa waxaa laga akhriyey Warmurtiyeed laga soo saaray.

Ururka wadanniga ah ee U-dooda Waxbarasho loo simanyahay eee Soomaliya  (Education For All Somalia – EFASOM) ayaa tira ka dhowr jeer waxa ay kulamo baraarujin ah ku qabteyn qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya iyo gobolka Banaadir si kor loogu qaado tayada Waxbarasahda dalka.

Hoos Ka Daawo Warbixinta Warkaan iyo Wariye Cabduqaadir Jakaarta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media