Maleeshiyadda Kooxda Daacish ayaa la sheegau inay bishii hore dhowr dil ka geysteen gudaha Somalia, iyagoo sheegtay in 5 qof dileen ilaa bishii hore ee April 15-da.
Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ NEWS waxay Bishii April 15-dii baahisay inay Maleeshiyadad u daacadda ah Kooxda Daacish ku dileen Askari ka tirsan Milliteriga DFS ku dileen Degmadda Afgooye ee Gobalak Sh/hoose.
Isla wakaalladad AMAQ NEWS waxay isbuuc kadib shaacisay inay Daacish ka dambeysay Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka NISA oo lagu dilay waddo ku taalla magaalladad Muqdisho.
Shabakadda Wararka ee Long War Journal ee laga leeyahay MaraykankaWarbixin dheer ka qoray Hawlgalladda Maleeshiyadad Daacish ka fuliyeen gudaha Somalia ayaa qoray inay Wakaalladda Wararka Daacish ee AMAQ isbuucii hore baahisay inay Kooxdu ka dambeeyeeen Sarkaal kale oo Sirdoon ah oo lagu dilay magaalladda Muqdisho.
Bishii May ee sannadkii hore, Kooxda Daacish waxay sheegatay Is-qarxin ka dhacday Bar Kontorool oo ku taalla magaalladda Bosaaso.
Dhinaca kale, Xogaha Wakaalladda AMAQ iyo Daacish ayaa lagu muujiyey inay Kooxda Daacish sannadkan oo keliya ka fuliyeen Somalia ugu yaraan 13 Weerar
Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda tirada saxda ee dilalka ay Kooxda Daacish sheegatay inay ka fuliyeen gudaha Somalia.