Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug ayaa Goordhow waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya,Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne farabadan ayaa Ciidanka AMISOM kusoo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb.
Ujeedkan Ciidakan AMISOM ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugida amiga Dhuusamareeb oo lagu wado in uu ka dhacdo Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug.
Dhinaca kale Ciidanka AMISOM ayaa ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka Doorashada Madaxweynaha Galmudug,taasi oo qorshaha uu yahay inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.