Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku qaaday Saldhig Ciidanka Booliska Hirshabeelle ku leeyihiin Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar.
Dad ku sugan Jowhar oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Weerarka kadib la maqlay rasaas xoogan ay rideen Ciidanka Booliska Hirshabeelle ee ku sugnaa Saldhiga la weeraray.
Sidoo kale Weerarka Bam gacmeedka ahaa ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro,waxaana ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan Ciidankii ku sugnaa Saldhiga iyo qof shacab ah oo xiligaas marayay wadada,waxaana dhaawacooda uu yahay mid fudud.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan weerarkii Bam gacmeedka ahaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka Booliska maamulkaas ay leeyihiin Xaafadda Horseed ee Jowhar.