Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka bilowday Banaanbaxyo Ballaaran oo looga horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Boqolaal shacab oo isugu jira Odayaal,Dhalinyaro iyo Haweeyn ayaa isugu soo baxay bartamaha Kismaayo,kuwaasi oo aad uga careysan Go’aankii dowladda ee ahaa in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa xiran dhammaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga eek a jiray Kismaayo,waxaana xaalada ka jirta Maanta halkaas ay tahay mid aada u kacsan sida dad goobjoogayaal ay soo sheegayaan.
Banaanbaxayaasha ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ah (Federaalku Fahan Buu kaa rabaa) iyo kuwo kale,isla markaana ay uga horjaan dowladda.
Si kastaba Banaanbaxaan ka socda Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo aadayaa,kadib markii Khamiistii la soo dhaafay Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya ay soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.