Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootay, 22 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii Bas la qafaashay uu galabta shil ku galay magaalladda xeebta leh LONGYAN oo u dhow magaalladda Shangahaay ee Bariga dalkaasi.
Wakaalladda Wararka Shiinaha ee SHINHUWA ayaa sheegtay in Dareewalka soo qafaashay Baskaasi uu jiirsiiyey dad ku lugeynayey waddada hareeraheeda.
Mid ka mid ah 22-kii qof ee ku dhaawacmay shilkaasi ayaa la sheegay inuu qabo dhaawacyo khatar ah.
Muuqaal kooban oo la soo dhigay Websaytka Wargeyska Bejing News wax aka muuqday ilaa 6 Askari oo garab-duub u xiraya Dareewalkii waday Baska bartamaha Laamiga.
Dembiilayaal oo aan weli magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inay Boliska kuhayaan baaritaano dheeraad ah.