Howlgalkan ayaa Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxa ay Saacadihii las oo dhaafay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu qabtay ilaa 4 ruux oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay qabteen qaraxyo lagu haayay Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan iyo dad intaba.
Saqdii dhexe ee xalay ayaa la soo gaba gabeeyay hawlgalka, iyadoo ciidamada Booliska ay horay u soo kaxeeyeen afartii ruux ee ay gacanta ku soo dhigeen.
Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii howlgalkaas lagu qabtay la geeyay Xarunta dembi- barista ee CID,da.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Howlgalka.