Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ugu baxay Gobollada Galbeedka ee Maamulkaas, waxaana uu gaaray Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal iyo magaalooyinka kale oo bari kaga teedsan.
Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Dilla, Tulli, Goroyo-cawl iyo Boorama ayaa siweyn halkaas ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdiga la socday oo kamid ahaayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan
Sidoo kale, markii uu madaxweynuhu gaaray magaalada Boorama, waxa uu xariga ka jaray Buundada weyn ee isku xirta Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama oo uu hore Madaxweynuhu u dhagax dhigay.
Xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo Injineerrada gacanta ku hayey Buundada Cammuud oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay dhismaha Buunadaas ay fududeeysay isu socodkii ardayda ee Jaamacadda iyo magaalada oo markii hore dhib badani ka taagnayd.