Maalin ka hor ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabita Cabdi Maxamed waxa uu Hoygiisa ugu geeyay Maxamed Cumar Maxamed oo ah Wiil Yar oo Wadnaha ka xanuunsanaya Viso Caafimaad oo ah dalka Turkiga si loogu soo daawo halkaasi.
Maanta oo Jimco ah ayaa Wiilkaas oo 7 jira ah la geeyay dalkaasi,waxaana Safarkiisa ku wehlinaya Aabihiis Cumar Maxamed kuwaas oo aan horay u awoodin in ay dalkaasi u qaadaan.
Qoyska Maxamed oo ku nool degmada boondheere ayaa Shacabka degmadaas waxa ay ku soo wargeliyeen gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xanuunka Wadnha ah ee haaya Maxamed tas oo keentay dadaal kadib in Gudoomiye Taabit uu u qaado dalka turkiga.
Aabaha dhalay Maxamed oo ka walwalsanaa xaalada wiilkiisa aya u Mahad celiyay Maamulka gobolka Banaadir oo Caafimaad ugu qaaday dalka turkiga.
Hoos Ka Daawo Sawirrada