Duulimaadkii ugu horeeyay ee toos ah 41 Sanno kadib ayaa Maanta dib ugu bilaawday Muqdisho iyo Adis Ababa oo ah Caasimadda dalka Itoobiya.
Diyaarada Itoobiya Airlines duulimaadkeedii ugu horreeyay ee gancsi ah ayaa Maanta oo Jimco ah waxa ay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.
Qorshaha diyaarada Itoobiya Airlines ay Maanta ku timid Muqdisho ayaa dhawaan soo ifbaxay,waxana uu noqonayaa duulimaadkii ugu horeeyay ee Muqdisho iyo Adis Ababa 41 Sano kadib Itoobiya Airlines ay sameyso.
Duulimaadka Itoobiya Airlines ku timid Muqdisho ayaa ah mid Caalami ah,waana Shirkadii labaad,iyada oo ay horay u jirtay Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines.
Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka Shirkada Itoobiya Airlines ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho,waxan aka qeyb galay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Xukuumadda Soomaaliya,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyin kale.