(SAWIRO): Guddoomiyaha AU-da oo la kulmay Farmaajo iyo Kheyre.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed ayaa barqanimaadii maanta booqasho hawleed ku yimid magaalladda Muqdisho.

Waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey RW Xasan Cali Kheyre iyo Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Hawlgalka AMISOM.

Guddoomiyaha AU-da oo u dhashay dalka Chad waxaa xilkaasi loo doortay bishi iJanuary ee sannadkan, waana Booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago dal Afrikaan ah.

Waxa uu Kulamo la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre, oo ay ka wada hadleen Xaalladda Somalia, Abaaraha, Ammaanka, Hawlgalka AMISOM iyo Dagaalka Alshabaab.

Safarkiisa ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Ciiddanka AMISOM ku sugan yihiin xaallad dhaqaale la’aan, kadib, markii uu saamayn ku yeeshay Go’aankii ay Dowladaha Midowga Europe 20% ku jareen Lacagihii ay ku taakuleyn jireen Hawlgalka AMISOM.

Booqashadiisa waxay kaloo ku soo beegantay, iyadoo Dowladda Britain sheegtay inay dib u eegis ku samaynayso Maalgelint Hawlgalka AMISOM.

Britain oo ka baxday EU-da ayaa la filayaa inay go’aanka kama dambeynta kaga dhawaaqaan Shirweynaha Ammaanka Somalia oo bartamaha bisha May ka furmi doona magaalladda London.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media