Xarakadda Alshabaab ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin weerarkii qaraxa ee maanta lagu qaaday Maqaaxidda Blue Star oo ku taalla agagaarka Taalladda Xaawo Taako ee magaalladda Muqdisho.
Afhayeenka Hawlgalladda Milliteri ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in weerarkaasi lala beegsaday xubno ka tirsan Ciiddanka Ammaanka oo ka cunteynaysay Maqaaxida Blue Sky.
“Annaga ayaa ka dambaynay Weerarkii Blue Star Restaurant” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abu Muscab oo intaasi ku daray in weerarkaasi lala doonayey Ciiddanka Ammaanka iyo Saraakiisha ka shaqeeya Xarunta dadka lagu xiro ee loo yaqaano Godka Jilicow.
Afhayeenka Alshabaab ee dhinaca Hawlgalladda Milliteriga, Sheekh Abu Muscab waxa uu REUTERS u sheegay inay weerarkaasi ku dileen ugu yaraan 10-qof.
Dhinaca kale, Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa u sheegay Wakaalladda wararka REUTERS inay ugu yaraan 3 qof ku geeriyootay qaraxaasi, halka ay 4 kalena ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha Degmadda Boondheere, Qaasim C/llaahi Xasan ayaa isagana tilmaamay inay 2 qof ku geeriyootay qaraxaasi, kuna gubteen ilaa 3 gaari.
©Radio Dalsan