Shaqaalaha Samafalka ee Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee MSF ayaa sheegay in 52 qof lagu dilay weerarkaasi oo ka dhacay Xero Qaxooti oo ku taalla Deegaanka Raan ee Waqooyiga Fog ee Gobalka Borno oo ay Kooxda Boko Haram ku xooggan yihiin.
Duqeyntaasi ayaa dhacday xilli Qaxootiga loo qeybinayey raashin, iyadoo lagu dhaawacay 120-qof oo 12 ka mid ahaayeen Shaqaale u shaqeeya Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Nigeria.
Taliyaha Ciiddanka Nigeria, Lucky Irabor ayaa sheegay in duqeyntaasi u dhacday si kedis ah, wuxuuna tilmaamay in lagu dilay dad rayid ah, laguna dhaawacay Shaqaale Samafal oo ay ku jiraan qaar u dhashay Nigeria oo u shaqeeya Hay’adaha Samafalka ee MSF iyo ICRC.
Waxa uu intaasi ku daray inay 2 Askari ku dhaawacantay duqeyntaasi sida qaldan loola beegsaday Xeradda Qaxootiga.
©Radio Dalsan