Alshabaab ayaa so obandhigtay Muuqaal Video oo muujinaya ukun Dil oo lagu fuliyey Askari u dhashay Uganda, kaasi oo lagu qabtay Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii September 1-dii ee sannadkii 2015-dii ku qaadeen Saldhiggii ay Ciiddanka AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose, laguna dilay in ka badan 50 Askari oo Ugandese ahaa.
Muuqaalka ayaa laga arkayaa Askariga Maxbuuska oo la oran jirey Masassasa M.Y., kaasi oo inta aan xukunka dilka lagu fulinin akhriyey Qoraal, isagoo sheegay inay Ciiddanka Uganda u yimaadeen Somalia si ay u helaan Lacag oo keliya.
Waxa uu ugu baaqay Askarta Uganda inay joogaan dalkooda hooyo, oo aysan oggolaanin in loo soo daabulo Somalia.
Bishii September ee sannadkii hore, waxay Xarakadda Alshabaab soo bandhigeen Muuqaalka Askarigan Ugandese-ka ee lagu fuliyey Xukunka Dilka, kaasi oo xilligaasi ka codsaday Madaxweyne Yoweri Museveni inuu ka shaqeeyo sidii isaga loo badbaadin lahaa.
Dhinaca kale, Dowladda Uganda iyo Hawlgalka AMISOM weli wax hadal ah kama soo saarin Askarigaasi maxbuuska ee ay Alshabaab xukunka dilka ku fulisay.
©Radio Dalsan