Kooxda La-socodka Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in Jeneralka iyo 8 Askari lagu dilay miino lagu aasay meel hul ah oo ku taalla Degmadad Xarasta oo dhanka W/bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.
Tirada dhimashadda ayaa laga cabsi qabaa inay sii korodho, iyadoo ay jiraan dad dhaawac ah oo xaalladoodu aad u liidato.
Waxaa kaloo aan weli la ogeyn halka ay ku dambeeyeen 15-kale oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.
Dhinaca kale, Milliteriga Maraykanka waxay duqeeyeen bar-tilmaameedyo ay Kooxda Daacish ku leeyihiin meel ku dhow Degmadda Albaab ee dalka Syria.
Duqeyntaasi ayaa timid maalmo kadib, markii ay Dowladda Turkiga sheegtay inaysan Isbahaysiga Maraykanka daacad ka ahayn Hawlgalka lagula jiro Kooxda Daacish-ta ku sugan dalka Syria.
Afhayeenka Ciiddanka Maraykanka ee fadhigiisu yahay magaalladda Baqdaad, Kolonel John Dorrian ayaa tilmaamay inay maalmihii la soo dhaafay duqeeyeen 4 bar tilmaameed oo muhiim u ahaa Kooxda Daacish.
©Radio Dalsan