Safaf dhaadheer ayey dadka Rakaabka saakayto galeen, si ay isaga diiwaan geliyaan Xilliyadda Duullimaadyadda ee Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi.
Waxaa dib-u-dhac ku yimid Jadwalka Duullimaadyadda Goballadda iyo kuwa Caalamiga, iyadoo qaarkood dib loo dhigay in ka badan 12-saacadood.
Qaar ka mid ah Rakaabka ayaa jiiftay Kuraasta qeybta Dhoofayaasha, halka kuwo kalena ay ku xoomeen Shaashadda lagala socdo Jadwalka Duullimaadyadda Diyaaradaha ee uu dib-u-dhaca ku yimid.
Barta Twitter-ka ee Wakaalladda maamusha Garoonka Diyaaradaha Kenya (KAA) ayaa lagu sheegay in ay dib-u-dhacaasi keentay Diyaarad Yar oo ku burburtay Dhabaha ay Diyaaradaha soo caga-dhigtaan.
Diyaaradaasi oo ay lugo u bixi waayeen ayaa ku soo degtay Garoonka iyadoo xabbadka ku socota.
Afar qof oo Rakaab ah oo la socday Diyaaradda ayaa ka badbaaday shilkaasi.
Dhamaan Diyaaradihii ku soo ddegan lahaa Garoonka JKIA waxaa loo wareejiyey Garoonka Moi International Airport oo ku yaalla magaalladda Mombasa oo 483 KM u jirta Nairobi iyo Garoomo kale.
Shaqaalaha Garoomadda ayaa ku hawlan sidii Diyaaradda looga qaadi lahaa Dhabaha Diyaaradaha, si dib loogu furo inay Diyaaradaha ka duulaan, kuna soo degaan ee Garoonka JKIA ee Nairobi.
©Radio Dalsan