Afhayeenka Boliska Uganda, Felekis Kaweesi ayaa sheegay inay meel nabad ah ku haayaan Saxafiyaddaasi oo lagu magacaabo Jooy Doreen Biira, una shaqeysa Telefishinka KTN ee dalka Kenyaa.
Saxfiyadaasi oo u dhalatay Uganda ayaa la xiray iyadoo Sawiro ka qaadaysa dagaal ay ku geeriyoodeen 55 qof oo 14 ka mid ahaayeen Saraakiil Bolis.
Afhayeenka oo Wareysi siiyey Telefisnka NBS ayaa sheegay in Haweeneydaasi lala xiray saaxiibkeeda iyo 3 kale, loona gudbiyey Saldhigga Dhexe ee Boliska ee magaalladda Kasese.
Waxa uu tilmaamay inay Saxafiyadd xireen iyadoo sawiro ka qaadaysay goobta lagu dagaalamay, isla markaana ay Muuqaal Video meel gubanaysa soo dhigtay Barta ay ku leedahay Warbaahinta Bulshadda ee Instagram account.
©Radio Dalsan