Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya goor dhow uu ka dhacay qarax miino kaasi oo uu ku geeriyooday hal ruux.
Qaraxa miinada ayaa ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxana wararku ay intaas kusii darayaan in ruuxa geeri yooday uu ahaa canug yar oo miinada ku cayaarayay halka 2-kalana ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa miinada ayaa laga maqlayay qeybo kamida Gaalkacyo mana jirto war kasoo baxay maamulada Puntland iyo Gal-mudug oo ku aadan qaraxaasi.
Halkaan ka dhageyso weriyaheena Mahad Ameerica oo ka hadlaya.