(SAWIRO): Qasriga Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo markii ugu horreysay la soo bandhigay.

Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un ayaa la sheegay inuu 8 Dhismo oo waa weyn ka deggan yahay meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee Pyongyang.

Saxafi u dhashay dalka Raashiya oo lagu magacaabo Valery Sharifulin ayey u suurto-gashay inuu Sawiro ka soo qaado mid ka mid ah Dhismayaasha waa weyn ee Kim Jong Un.

Saxafigaasi ahna Sawir-qaade ayaa la siiyey fursad uu Sawiradaasi ku qadaan karo, kadib, markii uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya, Sergei Lavarov dhawaan booqday magaalladda Pyongyang, lana kulmay Hoggamaiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.

Sawir-qaadaha Raashiyaanka waxa kale oo uu baahiyey Sawiro uu ka soo qaaday Nawaaxiga magaalladda Pyongyang.

Inkastoo uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya leeyahay dhowr Qasri, haddana waxaa adkayd in la so ogalo ama laga qaado sawiro.

Sida laga soo xigtay Lee Young-kuk, oo ah Ilaaliyihii Khaaska ee Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya waxa uu ugu yaraan 8 Qasri ku leeyahay duleedka Caasimadda dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media