(SAWIRO): Maleeshiyo isku qarxisay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay 2 Maleeshiyo isku qarxiyeen guri ku yaalla Xaafadda Al-xarasaat ee Bariga magaalladda Jidda ee Galbeedka Sacuudiga, kadib, markii ay Boliska hareereeyeen.

Teleishinka Sky News Arabia ayaa soo bandhigay Video muujinaya qaraxa ka dhacay Dhismaha ay raggaasi isku qarxiyeen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga wax faahfaahin ah kama bixinin ragga isku qarxiyey Jidda.

Tan iyo  bartamihii sannadkii 2014-kii, Kooxda Daacish waxay Toogasho iyo Qaraxyo ka geysteen Sacuudiga, waxayna beegsadeen Ciiddanka Dowladda iyo Dadka Shiicadda Muslimiinta ee looga tiro badan yahay dalkaasi.

Hoggaamiyaha Kooxda Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi waxa uu Maleeshiyadiisa ugu baaqeen inay qaadaan weeraro ka dhan ah Sacuudiga oo xubin ka ah Isbahaysiga Maraykanka duqeynta ku haya Daacish-ta ku sugan dalalka Syria iyo Iraq.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor