Twitterka BBC Northampton oo la jabsaday, laguna qoray War lagu sheegay in Donald Trump toogasho looga dhaawacay gacanta.

Warbaahinta BBC Northampton ayaa sheegtay in la jabsaday Twitter-kooda, laguna qoray War Been ah oo lagu sheegay in Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, doland Trump  la toogtay xilligii ay socotay Xafladii lagu caleemo-saarayey.

Twitter-la jabsaday ayaa lagu qoray “War Degdeg: Madaxweyne Trump oo rasaas looga dhaawacay gacanta.

Qoraalkan ayaa soo baxay, iyadoo ay Munaasabad Taariikhig ah oo lagu dhaarinayey Madaxweynaha cusub ka socotay magaalladda Washington DC, halka Dibadbaxyo kale oo looga soo horjeeday ka socdeen dhamaan dalka Maraykanka.

Kooxda BBC Northampton ugu qaabilsan Warbaahinta Bulshadda ayaa si degdeg ah u tirtiray Warkaasi, waxayna mar dambe sheegeen in Twitter-kooda la jabsaday.

Afhayeen u hadlay BBC ayaa sheegay in Twitterka BBC Northampton la jabsaday aroornimadii maanta.

“Twitterka si degdeg ayaa looga saaray, isla markii aan aqoonsanay Xaalladda. Waxaan baarayaan arrinta iyo inaan qaadnay Talalabo lagu hubinayo inaysan mar kale dhicin arrintaasi” ayaa lagu yiri arrintaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Trump waa nool, wuxuuna xalay ku qaatay Dabaaldegga munsaabadda loogu dhaariyey Madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka.

Ku-dhawaad 30,000 oo Ciiddanka Ammaanka ayaa la dhigay Waddooyinka Washington, iyadoo Hawlgalka lagu sugayey Ammaanka Madaxweyne Donald Trump lagu bixiyey lacag dhan 100-million oo Dollar, si loo badbaadiyo naftiisa.

©Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor