(SAWIRO) Maamulka Somaliland oo oggolaaday inay Xiriir dhow oo wada-shaqeyn la yeeshaan Dowladda Federaklka.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay inuu Ra’isul-wasaaruhu shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Somalia, Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hoggaaminayey oo shalay booqasho ku tegay magaalladda Addis Abeba.

Qoraalka waxaa lagu sheegay inay Labada dhinac ka wada xaajoodeen, iskuna af-garteen dhowr qoddob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xoojinta xiriirka dadka u dhashay Ethiopia iyo Somaliland, hubinta Ammaanka dadka Ethiopianka ee ku sugan gudaha Somaliland iyo inay ka wada shaqeeyaan Arrimaha Dhaqaalaha, Dekedaha, Ammaanka iyo Nabadda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu aqbalay Talooyin uga yimid dhinaca Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo ku aadan Isdhexgalka dadka ee Gobalka iyo in Maamulka Somaliland  sii xoojiyo  inay  si dhow ula shaqeeyaan  DFS.

Dhinaca kale,  Qoraal la so dhigay Barta  Twitter-ka ee Madaxtooyadda Somalia waxaa lagu  soo dhaweeyey Heshiiska uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi ku oggolaaday inuu iskaashi dhow iyo wada-shaqayn la yeeshaan DFS iyo Fikradda ah  inay dadka Gobalka is-dhex galaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media