Sawirro:-Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Degmo ka tirsan G/Banaadir

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka ku dhow Kaxda.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano SURF oo ay la socdeen saddex ruux, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen laba Nin oo Injineero ahaa iyo Darawalkii ku waday gaariga oo lagu sheegay inuu ahaa Askari, kuwaasi oo ku sii jeeday goob ay ka socotay dhimso Guri, waxaana ku dhaawacantay Haweeney wadada mareysay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka degmada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana sameeyay baaritaano ku aadan qaraxa, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka dadka dhintay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomnaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha geystay ee Maanta ka dhacay qeyb kamid ah degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor