Alshabaab iyo Ciidamada dowladda oo ku dagaalamay degmada Balcad

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Alshabaab ayaa xalay degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe waxaana dagaalka xoogiisu uu ka dhacay fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin meel ku dhow buundada degmada.

Khasaaro iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray dhinacyada dagaalamay sida dadka deegaanku ay u sheegeen dalsan,iyada oo dagaalka xoogiisu uu socday ku dhawaad 30-daqiiqo.

Wararka saaka ka imaanaya Balcad ayaa sheegaya in uu howlgal ka socdo xaafado ka tirsan degmadaas gaara ahaana xaafadaha ku dhow kuwii dagaalku uu ka dhacay,saraakiisha ciidanka oo la hadlay Idaacada dalsan waxa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerar ay Alshabaab ku soo qaadeen degmada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media