Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay inay aqoonsadeen saddexdii haween ee shalay lagu dilay weerar ka dhacay Saldhigga Dhexe ee Boliska ee magaalladda Mombasa.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in la aqoonsaday 2 ka mid ah saddexdii haween ee lagu dilay iska horimaadkii ka dhacay Saldhiga Dhexe Boliska ee Mombasa, wuxuuna magacyadooda ku kala sheegay Tasniim Yacquub C/llaahi Faarax iyo Faadumo Cumar, iyadoo Haweeneyda 3aad ee la dilay aan weli la aqoonsanin.
Charles Owino waxaa kale oo uu tilmaamay inay socdaan baaritaano lagu ogaanayo haddii Haweenkaasi la dilay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish (IS) ama Kooxo kale.
Dhinaca kale, Boliska Mombasa waxay sheegeen inay soo qabteen dhowr qof oo lala xiriirinayo Weerarkii shalay lagu qaaday Saldhigga Dhexe Boliska Mombasa.
©Radio Dalsan