Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey waxa uu Hambalyadda Munaasabadda Ciidul Adxaha u diray dhamaan Ummadaha Islaamka, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degayso Maalinta Koowaad ee Ciidda.
“Anigoo ku hadlayo magaca Guddoomiyaha iyo Maamulka Sare ee Shabakadda Warbaahinta Dalsan Media Network, kan Madaxda Xarumaha Radio Dalsan iyo Kaygaba, waxaa Farxad Weyn inoo ah inaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Macaamiisha Sharafta naga mudan ee sida tooska ugu xiran Radio Dalsan iyo Websaytka Radiodalsan.com” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan.
Waxa uu Dhambaalkiisa ku xusay inay Maamulka Ciidul Adxaha dhamaan Macaamiisha ku xiran Xaruumaha Istuudiyayaasha Radio Dalsan ee ku kala yaalla magaallooyinka Muqdisho, Jowhar, Cadaado iyo Baydhabo iyo kuwa kala jaan qaada Aaladda Live Streamka iyo Websyatka www.radiodalsan.com
Dhinaca kale, Boqolaal ka tirsan Dhegeystayaasha Radio Dalsan ayaa fursad u helay inay soo booqdaan Xarunta Radio Dalsan oo ku taalla agagaarka Taalladda Daljirka Dalsoon ee magaalladda Muqdisho si ay isugu diraan Salaamaha Munaasabadda maalmaha Ciidul Adxaha.
Sidoo kale, Idaacadda Dalsan waxay baahinaysaa Barnaamijyo Madadaalo oo loogu talagalay Farxadda Ciidda, iyadoo ay Shirkadaha waa weyn ee Ganacsiga kala qeyb qaadanayaan Maamulka Dalsan Haddiyado heer sare oo loogu tala galay in lagu abaal mariyo Dhegeystayaasha Radio Dalsan.
#EidMubarak family & freinds
— Hassan Gesey (@HAliGesey) September 11, 2016
Today is #EidAlAdha, Happy Eid Mubarak to you all, we are from Mogadishu #Somalia pic.twitter.com/4jAAjnKBXb
— Somalia Live Update (@HassanIstiila) September 12, 2016
©Radio Dalsan