Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban iyo guddiga amniga doorashooyinka Qaran oo tagay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.
Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Dhagey oo ay la socdaan, guddoomiyaha guddiga Amniga doorashooyinka ahna taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud iyo taliyaha hey’adda Nabad-sugidda, Jeneraal Cabdullaahi Maxamuud Caafoow, u jeedada ay Jowhar u tageen waxa ay la xiriirta shaqaaqadii habeen hore ka dhacdey magaaladaasi, xili ay socotay doorashada mudaneyaal aqalka hoose u tartameysay.
Wefdiga, ayaa kulammo la yeelan doonna guddiga doorashooyinka Federaal ee dowlad gobolleedka Hir-shabeelle, saraakiisha amniga iyo waxgaradka ay ku jiraan ergadii ku sugneyd markii ay is rasaaseynta ka dhaceysay Jowhar, taas oo qeyb ka ah amni darradii uu ka digay in meelaha doorashooyinka la geyso madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
imaansha Wefdigan, ayaa daba socda hadal uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya oo uu uga digay in hub lala galo goobaha doorashooyinka, isagoo ku cel celiyey in la sugo doorashooyinka sidii ay ugu dhici lahaayeen si degnaansho leh.
—-DHAMAAD—-