Taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka ee dalkaasi, Raila Odinga ayaa dhigay Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Doorashadda Madaxtinimadda ee Ku-celiska ee maanta ka dhacayo dalkaasi.
Dibadbaxayaasha iyo Dhallinyaro Burcad ah ayaa lagu soo waramay inay is-hortaageen in ay Doorashadda ka dhacdo qaar ka mid ah Degmooyinka.
Waxay gubayeen Taayaro, iyagoo jidgooyo dhigay Jidadka iyo meelaha ku hareeraysan Xarumaha laga codeynayey.
Magaalladda KISUMU ee Galbeedka dalkaasi, Dhallinyarada taageersan Isbahaysiga Mucaaradka waxay dhagxeeyeen Boliska oo iyagana ku jawaabayey suntan dadka ka ilmeysiisa, Dhuumaha biyaha laga tuuro iyo rasaas nool.
Lama soo werinin dad wax ku noqday Rabshadahaasi oo hareeyey Nidaamkii Doorashadda Ku-celiska ee Madaxtinimadda dalkaasi oo la filayo inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guuleysto.
Boliska ka hortaga Rabshadaha ayaa gaaf-wareegaya goobaha laga codeynayo oo ku yaalla Degmooyinka  Kibera iyo Mathare ee magaalladda Nairobi.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ku leedahay magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay inay Safaaradaha Shisheeyaha ugu baaqeen Labada dhinac ee ku kala qeybsan Doorashadda inay muujiyaan Deganaansho.
Doorashadii Madaxtinimadda ee Bishii August ka dhacday dalkaasi ayaa waxa dhashay Rabshadao, iyadoo ay Ciiddanka Ammaanka dileen ku-dhawaad50-qof.
Si kastaba ha ahaatee, Xiisadaha maanta hareeyey Doorashadda ka socota dalkaasi ayaa laga cabsi qabaaa inay la mid noqoto Doorashadii dhacday sannadkii 2007-dii oo lagu dilay 1,200 oo qof.