Sarkaal ka tirsan Waaxda Maamulka Boliska Kenya iyo Dareewal waday Cagafcagaf ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo maanta ka dhacay magaalladda Laamu ee Kenya.
Taliyaha Boliska Lamu, Joseph Kanyiri ayaa sheegay inuu qaraxaasu ka dhacay Jidka loo yaqaano Usalama Road, oo 00 mitir u jirta halka ay Dowladda Kenya ka dhisayso Derbiga kala qeybiyo xuduudka Kenya iyo Somalia.
Joseph Kanyiri waxa uu tilmaamay inay Alshabaab geysteen qaraxaasi oo dhacay barqanimadii maanta.
Dhinaca kale, Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa la sheegay in loo duuliyo magaalladda Nairobi, si loogu soo daaweeyo.