Maxkamadda magaalladda Mandhera ee W/bari Kenya waxay Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf ku soo oogeen inuu Sharci la’aan ku joogay Kenya.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in bishii August 23-dii lagu qabtay isagoo sharci la’aan kaga soo gudbay Barta 4-aad ee Kontoroolka Mandhera.
Xeer-beegtida Maxkamadda Mandhera waxay Eedeysanahaasi ku rideen Ganaax Lacageed oo dhan 200,000 oo Shillinka Kenya ama Xabsi 2-sanno ah.
Eedeysanaha ayaa loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Mandera GK prison, kadib, markii uu bixin waayey Ganaaxii Lacageed ee lagu xukumay.
©Radio Dalsan