Ciidanka Kumaandooska ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo lagu gubay gaadiid ka fuliyay deegaano hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliska Ciidanka Xoogga ayaa sheegay inay fashiliyeen gaari nooca Soomaalida u taqaano dhayno oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
“Gaari weyn oo Al-shabaab kusoo rartay waxyaabaha qarax ayay ciidanka ku gubeen degaanka walamooy iyo daniga beeraha meel u dhexeeysa wabigana ujirta 3-km ” ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay Idaacadda Codka Ciidamada qalabka Sida.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska ayaa sheegay inay dileen Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka basro ee duleedka Balcad, kaasi oo ay magacaabiisa ku sheegeen Ismaaciil Siidoow iyo 3 dagaalame oo la socday.
Maalin kahor ayey aheyd markii Ciidanka Xoogga dalka ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanada Basro iyo Daniga oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhashay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.