Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo burcad ahaa oo xalay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in falkaas uu ka dhacay xaafadda xoosh ee Dharkeenley, wxaana ragga burcada ahaa ay dileen saddex qof oo shacab ahaa, xili ay ku sugnaayeen xoosh.
Dilka loo geystay dadkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, kadib markii ragga hubeysan ay saddexda qof weydiisteen teleefoon gacanta ay ku wateen, hayeeshee ay isku dayeen inay diidan, balse markii dambe la toogtay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, iyagoona sameeyay howlgal lagu raadinayo raggii burcada ahaa, kuwaasi oo falka kadib goobta ka baxsaday.
Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhowr jeer falal dhac ah ka geystay rag hubeysan, isla markaana dad shacab ah ka qaatay teleefoono gacanta ah oo ay wateen, sidoo kalena dilay dad ka biyo diiday dalabkooda dhaca ahaa.