Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo soo bandhigay Xubno ka tirsan AL-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Ceeldheer ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen ugu yaraan 2 dagaalame oo AL-Shabaab ka tirsan, kadib dagaal xalay ka dhacay degaanka Ceel-qaboobe oo hoos tagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xubnaha lasoo bandhigay ayaa Saraakiishu sheegeen in maanta lagu qabtay degaan lagu magacaabo Howdley oo dhaca inta u dhaxeysa Ceeldheer iyo Xarardheere, kuwaasi oo ka badbaaday howlgal xalay xilli dambe ka dhacay degaanadaasi.

Dagaalka Xalay ayaa yimid kadib markii sida la sheegay xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen in ay xeebaha gobolka Mudug kala soo degaan kiimikooyin halis badan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor