Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo Sheegay inay la wareegeen degaanno hor leh oo ka tirsan Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah dagaalamaayasha AL-Shabaab ka sameeyay degaannada kala ah Jowhar Aw-dheegle, Daanyeerrey, Gumeysi diid, Ay buteey, Buulo naageey iyo Keli caafimaad oo ka kala tirsan degmada Aw-dheegle, Jannaale iyo Lambar konton ee gobolka Shabeellada hoose.

Saraakiisha sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgalka ku burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolkaasi.

Dhamme, Yuusuf Nuur Cali oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay  howlgalka ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ay Al-Shaabab ka saareen dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 30 Km oo howd ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply