Afar ka tirsan Saraakiisha Boliska Gaarka Kenya ee GSU ayaa xalay lagu dhaawacay weerar ay Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab xalay ku qaadeen Xeradda Basuba GSU Camp oo ku taalla Degmadda Laamu ee Kenya.
Taliyaha Boliska Laamu, Joseph Kanyiri ayaa sheegay inay Saraakiishaasi ddhaawaca noqotay loo duuliyey magaalladda Nairobi si loogu soo daaweeyo.
Waxa uu tilmaamay in ku-dhawaad 20 Dagaalyahan oo Alshabaab xalay soo weerareen Xeradaasi, waxaana ka hor tegay Ciiddanka GSU ee ku sugnaa Xeradaasi.
Iska horimaadkaasi ayuu sheegay inuu socday in ka badan 30-daqiiqo, isla markaana ay Ciiddanka GUS iska caabiyeen weerarkii Alshabaab.
Ma cadda khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray iska horiaadkaasi.
Amaanka Degmadda Laamu ayaa aad loo adkeeyey kadib makii ay Alshabaab dhowr jeer weerareen Xarumaha Hay’addaha Amaanka ku leeyihiin W/bari ee dalka Kenya.
©Radio Dalsan