Dabley hubeysan oo saakayto ku fashilantay inay dhac ka geystaan Suuqa Xaafadda Eastleigh (Islii) ayaa waxay dhaawaceen Nin ku sugnaa Suuqaasi oo ay Soomaali badan ku ganacsadaan.
Boliska Deegaanka ayaa sheegay inay dableydu qorsheynayeen inay weeraraan mid ka mid ah Dukuaamada Ganacsiga, balse ay garwaaqsadeen inaysan awoodi Karin in ay dhac hubeysan ku qaadaan goobta gaanacsiga ee uu hadafkoodu ahaa.
Dableydu waxay markaasi kadib bilaabeen inay furan rasaas aan yool lahayn, waxayna lugta ka dhaawaceen nin jidka marayey
Dableyda oo aan tiradooda la sheegin ayaa waxay ku baxsadeen labo mooto dhugdhugley (motorbikes), iyadoo ay Boliska bilaabeen inay dableyda baadigoobaan.
Ilaa haatan, Boliska kuma guuleysanin in Dableyda la bar aqoonsado ama la soo qabto, mana aha markii ugu horreysay oo ay kooxo hubeysan weeraraan Suuqa Xaafadda Eastleigh ee Nairobi.
Xigasho: The Star
©Radio Dalsan