Senatar Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu ka hadlay dhacdadii naxdinta laheyd ee maalmo kahor lagu dilay rag dhalinayrao ah oo ka shaqeynayay Xarun Caafimaad oo ku taalla deegaanka Gololeey ee duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Muuse Suudi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aad uga xun yahay dhacdooyinkii ka dhacay deegaanka Gololeey ee lagu dilay 8 Ruux oo dhalinayaro ahaa iyo 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, kuwaasi oo qarax lala eegtay lagu dilay.
Waxaa uu sheegay in falalkaas dib uu sameeyay baaritaano kala duwan, isla markaana uu la xiriiray Taliyaha Saldhiga Booliska Balcad, Guddoomiyaha degmadaas Qaasim Furdug, Taliye Nabadsugid ah iyo Nin Xildhibaan oo la jooay, iyagoona dhamaantood uu xusay in aysan u sheegin sida ay wax u dhaceen.
“Falkaan sida dadkii ka danbeeyay loo helo waa adag tahay Baaris badan ayaan galay waxaan la hadlay guddoomiyaha degmada, taliyaha ciidamada Booliska Balcad, Taliyaha Nabadsugidda iyo nin xildhibaan ah kulligood waa isla jireen, waana ka waayey nin wixii jira sheegi karo” ayuu yiri Muuse Suudi.
Isaga oo sii hadlaayay Senatar Muuse Suudi ayuu tilmaamay in falkaan lagu laayay dhalinyarada ay adeg tahay in la helo cidii ka dambeysay, isla markaana arrintaas aan loo saarin karin Al-shabaab oo kaliya, hayeeshee ay u baahan tahay baaritaan dhab ah.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Senatar-ka in baaritaanka dhacadaadan lagu laayay ragga dhalinyarada ah aan laga sugeyn inuu xaqiiqdeeda keeno mas’uul xil ka qaadis ka baqaya.
Ugu dambeyn Senatar Muuse Suudi ayaa Hay’adaha Caalamka gaar ahaan kuwa Caafimaadka ugu baaqay inay baaritaano dhab ah ku sameeyaan xasuuqii ka dhacay deegaanka Gololeey ee duleedka Degmada Balcad, isla markaana keenaan sida ay wax u dhaceen.