Saadaasha Xildhibaanadda ka mid noqon doona Barlamaanka 10-aad ee Somalia ayaa u muuqda kuwo ka muuqaal duwanaan doonaa Barlamaanadii horey loogu soo waayo qaatay, waxaana markii ugu horreysay xubnhaasi laga soo xulay Doorashadii ka dhacday Maamul-gobaleedyadda.
Xubnaha Barlamaanka soo socda ayaa isugu jira Siyaasiyiin hore iyo kuwo ku cusub Masraxa Siyaasadda Somalia, waxayna ku kala duwan yihiin marka la eego Khibradooda iyo Taariikhdooda hore.
Labada Aqal ee Barlamaanka Cusub waxa ku soo baxay Xildhibaano isugu jira Ganacsato, Dagaal-oogayaal hore, Dhaqdhaqaaq-yahano, Qaxooti iyo kuwo mehrado shaqo oo kala duwan lahaa.
Xildhibaanadda cusub ayaa kala duwan qaabkii lagu soo doortay, balse, waxay ka wada siman yahay inay Toobiye adag ka soo tallaabsadeen, si ay ugu soo baxaan Doorashadii lagu soo xulay Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka.
Waana hubaal in Kharajka haba kala badnaadee lagu soo furdaamiyey sidii ay Xildhibaanadda ugu soo bixi lahaayeen Doorashadda.
Mana sahalna in qof jeebkiisa ka sooro 51-ka Ergo Beeleed ee u codeynaysay, mana la tahli karo Kharajyada kale ee lagu furdaamiyo Loolankaasi min Musharax ilaa Xildhibaan.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in inta badan Xildhibaanadda ku soo biiray Aqalka Hoose ee Barlamaanka inay ku tiirsanaayeen Taageero ay ka helaan Kooxaha Siyaasadda iyo Musharixiinta lacagaystay ee ku haminaya inay ku tartamaan Xilka Madaxtinimadda.
Maalgashiga Musharixiinta ee Xildhibaanadda soo baxay ayaana noqday Mashruuc rimay-gacmeed ah, oo aad u dhiiri-geliyey musuqa, Sicir-bararka Kala-iibsashadda Codadka,Ergooyinka macmalka ee la kireysto iyo Xodxodashadda ujeedo badanka leh.
Musharax kasta ee xilka Madaxtinimadda waxa uu qiimeyn koraad ku sameeyaa Xildhibaanadda uu ku maal-gashaday Dhaqaale, Aragti, Wada-dhalasho iyo xeellad kasta oo lagu awr kacsan karo, si aysan uga abaal-dhicin Maalgelintiisa ay Xildhibaano ku noqdeen.
Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan inaysan Siyaasaddu lahayn Saaxiib Joogto ah, balse, Musharixiinta ayaa rumeysan inay Siyaasaddu leedahay Isbahaysi Beeleed iyo mid Maamul-gobaleed.
Waa Tab Siyaasadeed uu Musharax kasta kaga gudbi karo Imtixaan-siyaasadeedka Doorashadda, siiba cod-bixinta Xildhibaanadda, wuxuuna Musharax kasta ka dheregsan yahay Sirta Cod-bixinta Farsamaysan.
Waana hiddo-siyaasadeed sannooyin badan lagu soo nolol-qaatay, mana aha Itijaah cusub inay Musharixiinta xilka Madaxtinimo ku xisaabtamaan Xodxodashadda Xildhibaanadda miisaanka ku leh Yabooha Cod-bixinta.
Guuxa Madasha Xildhibaanadda wax doranaya ayaana asaas u noqon karta hadba sida Dulaaliinta u kala iibiyaan Cod-bixinta Lacagaysan (Vote for Cash).
Beer-laxawsiga siyaasadeedka Musharixiinta ee lagu kala jiidanayo Codadka Xildhibaanadda ayaana ku salaysan Kharaj Gacan-saar (Cash) iyo Ballanqaadyo muddeysan iyo Xilalka Dufanaysan, min Wasaaradaha shidan, Hay’adaha iyo Xarumaha Ilaha Dhaqaale ilaa Mansab Diplomaasinimo.
Marka la eego Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub (Aqalka Hoose) waxaa la qiri karaa inay xubnahaasi ku kala aragti duwan yihiin Heerka Aqooneed, Mehnadda Xirfadeed, Tisqaadka Siyaasadda iyo Biseylka Danaha Qaranka iyo Khatarta ku soo fool leh Ummadda, waxaana mar doc kasta laga jaleeco Barlamaanka cusub ku yar Xildhibaanadii hal-doorka ku ahaa Dhab-ka-hadalka, oo ay ka mid yihiin Dr. C/raxmaan Xoosh iyo Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, kuwaasi oo lagu soo reebay Doorashadii Puntland.
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa ku soo laabtay Barlamaanka, balse ma yeelan doono fursado uu wax badan ku naqdin karo, illayn Xildhibaanadda la maalgeliyey ayaa kaga cod badnaan doona Barlamaanka.
Mana cadda Galaangalka ay Xildhibaanadda cusub ku yeelan doonaan Mooshinada La-xisaabtanka Golayaasha Dowladda
©Radio Dalsan