Muwaadiniinta dalal ay ku jirto Somalia oo dib u codsan kara Fiisaha Mareykanka

Inta badan Codsadayaasha Fiisaha Maraykanka ee uu Donald Trump horey u xayiray ayaa la sheegay inay codsan doonaan Go’aano cusub ama ay Codsiyo cusub soo qoran karaan, sidaa waxaa lagu sheegay Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Joe Biden waxa uu maalintii ugu horeysay ee uu Xafiiska fariistay bishii Janaayo 20-dii ee sanadkan waxa uu daaqada ka tuuray Amarkii Trump ee Xayiraadii Socdaalka ee Muwaadiniinta ka soo jeeda dalal Muslim ah.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Ned Price oo shalay la hadlay Suxufiyiinta waxa uu tilmaamay in dhamaan dadkii Codsiyadoodii Fiisaha ee la diiday ilaa bishii Janaayo 20-dii ee sanadkii hore waajib ku tahay inay soo qortaan Codsiga Fiisaha iyo inay bixiyaan Kharajka Cusub ee Codsigooda.

Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay in kuwii loo diiday Codsiyadooda ka hor ama kadib bishii Janaayo 20-dii ee sanadkii hore waxay codsan karaa in dib loo garwaaqsado Codsiyadooda, iyagoo aan bixin doonin wax Kharaj oo dheeraad ah.

Tan iyo bishii December ee sanadkii 2017-kii, 40,000 oo qof ayaa laga mamnuucay inay soo galaan Maraykanka, sababo la xiriiray Xayiraadii Trump.

Muddadii Maamulka Trump waxa uu Liiska Xayiraadda Socdaalka ku daray ama ka saaray qaar ka mid ah dalalkii uu horey xayiraadda ugu soo rogay.

Dhamaadka Xilli-hawleedkii Madaxtooyadii Trmp waxaa Liiska 13-ka Waddan ee uu saaray Xayiraadda Socdaalka kala yihiin:

1- Somalia,
2- Sudan,
3- Syria,
4- Tanzania
5- Libya,
6- Nigeria,
7- Yemen,
8- Eritrea,
9- Iran,
10- North Korea
11- Venezuela
12- Myanmar
13- Kyrgyzstan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor