Shabakadda Wararka Yalla Afrika ayaa markii ugu horreysay shaacisay inuu Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ka codsaday Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Salmaan Bin C/casiis inuu gacan ka geysto Dhexdhexaadinta arrintaasi.
Madaxweyne Farmaajo oo Khamiistii hore booqashadii 1-aad ku tegay dalka Sacuudiga ayaa si cad rrinkaasi ugu soo bandhigay Kulan Khaas ah oo uu la yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, ahna Wasiirka Difaaca, Amiir Maxamed Bin C/Casis, waxaana Kulankaasi goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Caadil Axmed Al-jubeyr iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Dowladda Sacuudiga.
Dhinaca kale. Shabakadda Wararka ee Riyadh Post.live oo Warbixinta Wargeyska Yalla Afrika u turjuntay Afka Carabiga ayaa qortay in Mas’uul Soomaali ah oo ka mid ahaa Wafdigii la socday Madaxweyne Farmaajo uu u dusiyey Saxaafadda Walaaca uu Madaxweyne Farmaajo ka muujiyey arrintaasi.
Madxweyne Farmaajo waxa uu Dhaxal-sugaha Sacuudiga u sheegay inay Dhexdhexaadintaasi ka qeyb galaan, iyagoo ka faa’ideysanaya Cilaaqaadka Wanaagsan iyo Isbahaysiga Istaraatijiyadda leh ee ay Dowladda Imaaaraadka la leeyihiin, si loo joojiyo Qorshaha Saldhigga Milliteri ee looga dhisayo magaalladda Berbera.
Labo isbuuc ka hor, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa shaaciyey inay Dowladda Federalka ka soo horjeedaan Heshiiska Imaaaradka Carabta iyo Maamulka Somaliand ee dhismaha Saldhigga Milliteri ee magaalladda Berbera.
Waxa uu tilmaamay inay DFS asktako rasmi ah u gudbinayso Dowladda Imaaraadka oo uu sheegay inay ku xad-gudbeen Qaanuunka Caalamiga.
Garyaqaanka Guud ee QM waxa uu tilmaamay inuusan sharci noqon karin Heshiis kasta oo dhinaca 3-aad lala galo, iyadoo aysan DFS ka war haynin.
Dowladda Imaaraadka waxay Heshiiskaasi la galeen Maamulka Somaliland oo horey u sheegtay inay Somalia ka go’een sannadkii 1991-kii, balse Somaliland weli ma helin Ictiraaf Caalami ah marka laga reebo Dowladda Ethiopia oo Safaarad ka furatay magaalladda Hargeysa.
Xigasho:- Yalla Africa & Riyadh Post.live
©Radio Dalsan