Madaxweynaha Cusub ee dalka Nigeria oo la dhaarinayo

Bola Tinubu, oo 71 jir ah, ayaa ku guuleystay doorashadii Febraayo isagoo ballan qaaday inuu dib u cusbooneysiin doono rajada dadka Nageeriya – laakiin wuxuu wajahayaa caqabado adag oo dhaqaale iyo kuwo amni.

Waxa uu xilka kala wareegayaa madaxweyne Muhammadu Buhari oo xilka hayay labo xilli iyadoo uu jiro sicir barar aad udaran, heerarka deynta lagu leeyahay Nigeeriya oo aad u sareeya iyo kiisaska sii kordhaya ee afduubka madax-furashada.

Guusha Mr Tinubu ayaa waxaa diidaan oo maxkamada geeyay labadii nin ee tartanka kulajiray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply