Sacuudiga oo Dowladda Soomaaliya ka Caawinaya la dagaalanka AL-Shabaab

Wasiirka gaashaandhigga dowladda Fedeeraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalkaas Jeneral Fayad Al-ruwaili oo wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey dalkaas.

Labada dhinac ayaa ka wada hadalay iskaashiga amni ee labada dal iyo la dagaalanka al-shabaab in Sucuudigu uu ku caawiyo Soomaaliya.

“waxaan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labadeena dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Jaamac”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor