• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, May 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

RW Rooble oo ka horyimid Isbedelka uu sameeyay Farmaajo una jeediyay Eed Culus

Dalsan Editor by Dalsan Editor
September 8, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Jawaab ka bixiyay Wareegtadii magacaabista ee uu xalay uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo, kuna magacaabay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo xilka qaadis lagu sameeyay.

War-saxaafadeed uu soo saaray Aadaanka hore ee Salaadii Subax ee saakay Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu marka hore ku soo dhaweeyay Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Fahad Yaasiin ee uu xilka ka qaaday.

Rooble ayaa ayaa waxaa uu faray Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ku amray in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Bashiir Goobe.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa umadda Soomaaliyeed u caddeeyay in Qoraalada kasoo baxay Xafiiska F06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha.

Waxaa kale oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo talaabooyinka uu qaaday, isagoona ku tilmaamay kuwo lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

“Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas. Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh” ayaa  lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan, isagoona ku adkeeyay inay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta  Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Shacabka Soomaliyeed uga baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd  Ikraam Tahliil Faarax.

Ugu danbayn, Ra’iisul wasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah.

Previous Post

Bogga Telefashinka Qaranka oo laga saaray Wareegto uu soo saaray Farmaajo

Next Post

Midowga Musharaxiinta “Go’aanadii Farmaajo waa kuwo lagu khal-khal gelinayo amniga dalka”

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

May 14, 2025
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

May 14, 2025
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
Wararka Idaacadda

Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal

May 14, 2025
Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

May 14, 2025
Next Post

Midowga Musharaxiinta “Go’aanadii Farmaajo waa kuwo lagu khal-khal gelinayo amniga dalka”

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya...

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Koox ka kooban madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo si weyn looga qadariyo siyaasadda Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah...

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee ka bixitaanka madasha siyaasadeed ee dhawaan lagu...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u...

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

"Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

"Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
English News

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • “Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
  • “Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
  • Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
  • “Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00