Midowga Musharaxiinta “Go’aanadii Farmaajo waa kuwo lagu khal-khal gelinayo amniga dalka”

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul u Cambaareeyay Go’aanadii uu qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Xuseen Rooble ee ku magacaabay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa ku tilmaamay falalka uu ku kacay Farmaajo ay yihiin kuwo baalmarsan dastuurka iyo sharciga dalka u degsan, isla markaana lagu carqaladeynayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan in baaritaan daah furan iyo cadaalad la marsiiyo Kiiska Ikraan Tahliil.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in tallaabooyinkaas uu ku dhaqaaqay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku xagal daacinayo doorashooyin daahfuran oo waqtigooda ku dhaca ee uu dadaalka ugu jiro Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Golaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ogaadaan Go’aanadii uu gaaray Madaxweyne Farmaajo inay yihiin kuwo loogu tala-galay in lagu khal-khal geliyo xasilloonida iyo ammaanka dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta ayaa Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay in aysan u hoggaansamin Go’aanada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ku sheegeen inay baalmarsan yihiin sharciga.

Farmaajo ayaa xalay soo saaray Wareegto uu Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ugu magacaabay La-taliyihiisa dhinca amniga, halka xilka Taliyaha NISA si KMG ah loogu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, waxaana tallaabooyinkaas ka horyimid RW Rooble.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Midowga.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor