RW ku-xigeenka dalka oo Maanta Shir ka furay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay shir looga tashanayo dhammeystirka Siyaasadda qaran ee deegaanka oo qayb ka ah danta qaranka ee hir-gelinta deegaan nadiif ah, laguna saleeyay qorshaha horumarinta qaranka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa furitaanka shirka ka sheegay in Isbedelka cimillada adduunka, abaaraha, daadadka iyo xaalufinta deegaanka ay saameyn ku yeesheen dalka, ayna muhiim tahay in wadajir looga shaqeeyo horumarinta deegaanka.

Dhammeystirka siyaasadda qaran ee deegaanka oo qeyb ka qaadaneysa maamulka deegaanka, ayaa laga tala gelinayaa hey’adaha dowladda,  aqoon-yahahnka iyo hey’adaha waxbarasha.

Hadafka siyaasaddaan ayaa ah in la hagaajiyo caafimaadka iyo tayada nolosha dadka Soomaaliyeed, lana dhiirri geliyo horumar waara iyada oo loo marayo maamulka khayraadka dabiiciga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media