Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay markale Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxda maamulada ayaa waxaa uu ahaa mid Albaabada u xiran, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in kulankaas uu weli ahaa mid hordhac u ah Shirka Madaxda iyo kuwa maamulada dhexmari doona.
Kulankaas ayaa waxaa kasii horreeyay kulan gaar ahaa oo dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka yeelanayaan sidii jawi wanaagsan iyo is faham ugu bilaaban lahaa shirkooda dhowaan furmaya.
Shirka u furmaya Madaxda ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xalinta Khilaafyada jira iyo Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.