Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta.
Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Intaas kadib Ururasa Bulshada rayidka ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray kulankii ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo, iyagoona beeniyay in Madaxweynaha ay kala hadleen rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda.
Sidoo kale Qoraalka Ururrada Bulshada Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan jirin weli qorshe uu Ururrada Bulshada si gooni ah u taageersan yahay oo ku aadan Doorashooyinka dalka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Ururrada Bulshada ah.