Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Wafdi hordhac u ah Safarka Guddoomiye Cumar Finish ayaa shalay gaaray Dhuusamareeb, kuwaasi oo isugu jiray xubno ka tirsan Xafiiskiisa iyo Agaasijmeyaal kamid ah Maamulka Gobolka.
Ujeedka Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada uga furmayo Caasimadda Galmudug.
Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo dhammaan Madaxda maamul Goboleedyada, iyagoo halkaas uga socda kulamo gaar gaar ah.
Shirka u furmaya Madaxda ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xalinta Khilaafyada jira iyo Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.
Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.