Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa sheegayaan in halkaas kulan xasaasi ah uu uga socdo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca.
Kulanka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxaa looga hadlaya arrimo kala duwan oo ay qeyb ka tahay amniga Dhuusamareeb iyo sidii halkaas loogu wareejin lahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale kulanka u dhexeeya labada dhinac ayaa waxaa uu qaatay saacado badan,welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qdobobada laga hadlayo qaar la isku fahmi la’yahay.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado shalay iyo saakay laga soo kala celiyay diyaarado Ciidamo gaar ah siday,kuwaasi oo ka yimid Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhawaan ku heshiiyay in amniga dowladda Dhuusamareeb lagu wareejiyo Ciidanka dowladda,isla markaana la qareemayay Ciidankii ka tirsanaa Ahlusunna,kuwaasi oo lagu wareejiyay dowladda Federaalka.